War Dag Dag Ah Ruux labaad oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa weerarkii Paris oo la raadinayo

0
365

Dowladda Belgium ayaa ruqsad caalami ah oo lagu soo xirayo u jartay nin labaad oo ku lug yeeshay weeraradii Paris lagu qaaday 13-kii bishan, kaasoo lagu dilay illaa 130 ruux.

Mohamed Abrini oo 30-jir ah ayaa ka soo muuqday muuqaal ay qaaday kaamirada loo yaqaano CCTV, isagoo gaari ku kaxeynayay ninka aadka ah loo doon doonayo ee Saleh Abdelsam.

Ninkan cusub ee lagu magacaabo Mohamed Abrin ayay kaamirad qabatay labo maalmood ka hor weerarkii Paris, isagoo ku sugnaa xarun shidaal laga qaado, iyagoo ku sii jeeday Paris.

Sawirro ay soo bandhigeen Booliska ayaa muujinayay ninkan oo ku sugnaa xarun shidaalka deegaanka Ressons ee waqooyiga Faransiiska.

Gaariga uu watay ayaa ahaa gaadiidkii loo adeegsaday weeraradii Paris, sida uu xaqiijiyay Xeer Ilaaliyaha Belgium.

Ninkan ayaa dadka looga digay qatartiisa, waxaana suura gal ah inuu hubeysan yahay, waxaa la sheegayaa in isaga iyo Saleh Abdesalam ay wada socdeen ka hor inta aanu dhicin weerarkii Paris.

 

Mohamed Abrini iyo Saleh Abdesalam ayaa looga shakisan yahay inay gudaha Belgium ku sugan yihiin, waxaana wali soconaya baadigoobka loogu jiro labadan nin.

 

Dowladda Belgium ayaa sare u qaaday qatarta weeraro laga cabsi qabo in dalkaas ka dhaco, waxaana wali xiran goobaha laga raaco tareenada dhulka hoostiisa ee magaalada Brussels, iskuulada, jaamacadaha iyo goobaha dadka isugu yimaadaan.

abrini (2)

abrini (1)