WAR DEG DEG AH:- R/Wasaaraha Soomaaliya & Madaxweyne K/Galbeed Oo Gaalkacyo Gaaray

0
345

Waxaa garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf International Airport ee magaalada Gaalkacyo daqiiqado ka hor ka dagay wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka KMG ah ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Masuuliyiinta degmada iyo Gobolka Mudug ee dowladda Puntland ayaa si diirran Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ugu soo dhawoow magaalada Gaalkacyo, waxaana wafdiga loosoo galbiyey halka ay ka dagayaan magaalada Gaalkacyo oo ay Nabadayn u yimaadeen ka dib dagaalkii shalay.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Gaalkacyo u tagay sidii loo xalin lahaa colaada ka dhax aloosan Maamulada is diidan ee Puntiland iyo Galmudug. Waxana Wafiga uu Hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Masuuliyiintan ayaa inta ay Gaalkacyo joogaan waxa ay kulamo kala duwan la qaadanayaan Masuuliyiinya Maamulada Puntiland iyo Galmudug, waxa ayna ka shaqeynayaan sidii loo kala qaadi lahaa labada ciidan ee is horfadhiya Gaalkacyo loona soo afjari lahaa Colaada aloosan.