WARBIXIN: Goolkii Uu Cristiano Ronaldo Ka Dhaliyay Kooxda Eibar Oo Uu Ku Barbareeyay Rekoodhkii Gooldhalinta Ee Hugo Sánchez Isaga Oo Kaalinta Saddexaad Ka Soo Galay Gool Dhalinta Abid Ee La Ligaha

0
381

Xidiga xulka qaranka Porutal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa markale gaadhay rekoodh kale oo dhinaca gool dhalinta La Ligaha ah wuxuuna  barbareeyay rekoodhkii gool dhalinta ee Hugo Sánchez kaas oo kaalinta saddexaad kaga jiray gool dhalinta abid ee horyaalka La Ligaha.

Ronaldo ayaa goolkan dhaliyay dhamaadkii qaybtii danbe ee kulankii ay Madrid guusha kaga soo gaadhay kooxda Einar, wuuxuna Ronaldo goolkan ku dhaliyay rekoodhe lagu galay Lucas Vazguez. Goolkan ayaa ahaa goolkii 234 aad ee uu Ronaldo ka dhaliyay kulamada La Ligaha wuxuuna sidaa ku soo galay kaalinta saddexaad ee gool dhalinta abid ee horyaalka Spain ee La Ligaha

Xidigii hore ee ree Mexico ee Hugo Sánchez ayaa hore La Liga uga soo dhaliyay 234 gool wuxuuna ka soo ciyaaray kooxaha Atletico Madrid ,Real Madrid iyo Rayo Vallecano. Laakiin Hugo Sánchez ayaa goolashan ku dhaliyay 347 kulan halka uu Ronaldo goolashan ku dhaliyay 213 kulan oo kaliya waxaana jira farqi wayn oo u dhexeeya qaabkii ay labadan nin ku gaadheen rekoodhkan gool dhalinta.

Ronaldo ayaa markan bartilmaameedsanaya gool dhalintii Telmo Zarra kaas oo horyaalka Spain ee La Ligaha ka dhaliyay 251 gool kuwaas oo ku dhaliyay 277 kulan. Waxaa gool dhalinta abid ee La Ligaha 290 gool ku haya Lionel Messi oo goolashan ku dhaliyay 323 kulan.Messi ayaa xili ciyaareedkii hore rekoodhka abid ee taariikhda horyaalka La ligaha kala wareegay Telmo Zarra oo muddo dheer rekoodhkan soo haystay.

CR7 ayaa hore u soo dhaafay rekoodhadii gool dhalinta  Raúl kaasoo 228 gool ku dhaliyay  550 kulan iyo Alfredo Di Stéfano oo 227 gool ku dhaliyay 329 kulan. Heerka gool dhalinta Ronaldo ee Madrid ayaa ah in uu kulankiiba dhalinayay 1.09 gool kulankiiba.Haddii uu Ronaldo xili ciyaareedkan ku jiri lahaa qaab ciyaareed la mid ah kii cajiibka ahaa ee xili ciyaareedkii hore ayay goolashiisu inta ka badan lahaayeen.