Wasiir Hadliye”ma ogolaan doono in la qaato Xubin ka mid ah dalkeena

0
280

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Xukumadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo ka hadlayay Furitaanka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Mareykanka oo 24 sano ka dib dib loo furay ayaa ka hadlay Damaca Dalalka Dariska ah ee ku aadan Soomaaliya.

C/salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan Ogolaan doonin in Xubin ka mid ah Dhulkeena Soomaaliya la qaato oo aysan Ogolaan doonin Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Dowladdaha Dariska la ah Soomaaliya waxaa ay noo soo direen Wiilashoodii oo Cadawga Al-shabaab naga Difaaca waxaan u maleenayaa in Wadan hadii uu ku siiyay Caruurtiisii uu wax walba kuu huray,hadda waxa kaliya ee naga dhiman waa in aan helno Siyaasad Wanaagsan oo aan kula dhaqano Dalalka Dariska la ah Soomaaliya”ayuu yiri Hadliye.