Wasiirka Gaashaandhiga ” Ciidanka X.D.S Lug kuma Yeelan karaan wax ka Baxsan Waajibaadkooda Qaran ee ah Difaaca Dalka”

0
338

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo ee dirirtu u dhexeyso inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka, oo ay wada-hadal ku xalliyaan khilaafkooda. Isagoo dhinaca kale tilmaamay inaanu hayn warbixin cad oo sheegeysa in qaar ka tirsan Ciidanka X.D.S ay dagaalka ku lug lahaayeen.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasto oo ay ku sugan yihiin aysan ku lug yeelan karin wax ka baxsan waajibaadkooda qaran ee ah difaaca dalka, wuxuna xusay in baaritaan lagu sameyn doono cid kasta oo ku lug yeelata dagaalkaas iyagoo

adeegsanaya magaca Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan aad uga xunnahay shaqaaqooyinka ka dhacaya magaalada Gaalkacyo oo dad Soomaaliyeed ay qaarna ku naf waayeen qaarna ku dhawacmeen, waana arrin tiiraanyo leh in dad Soomaaliyeed waqtigan la joogo ay dhib isku geystaan.”

“Waxaan kale oo rabaa in aan halkaan ka sheegno in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay masuuliyaddoodu tahay in dadka iyo dalkiisa uu

difaaco, dagaalka haatan socdana ilaa iyo hadda ma hayno wax warbixin cad ah oo sheegaysa in dagaalka ay qayb ka yihiin. Cid walba oo ku

xad gudubta waajibka uu qaranka Soomaaliyeed u hayo waa lagula xisaab tamayaa waxana laga qaadayaa tillaabo waafaqsan sharciga dalka, waxana

loo aqoon sanayaa in uusan ka mid ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiir Diini.