Xarakada Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkii Saxafi Hotel

0
435

Afhayeenka dhanka howlgalka ciidamada Al-Shabaab Abuu Muscab ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkii saakay aroor lagu qaaday hotelka Saxafi oo uu sheegay in ay daganaayeen dad uu ku tilmaamay cadow.

Waxa uu sheegay Abuu muscab in rag “mujaahidiin” ah ay weerarkaasi fuliyeen, walina uu howlgalku socdo.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay masuuliyiin isugu jirta saraakiil ciidan, xildhibaano iyo ganacsato.