Xiisada Dagaal Oo Maanta Laga Daremayo Magaalada Gaalkacyo

0
345

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka jirto magaalada, iyadoo wali ay is hor-fadhiyaan ciidamada kala taabacsan Puntland iyo Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa saaka bilaabay inay isaga barakacaan xaafadaha qaar, iyagoo ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo, kadib markii ay adkaatay in dhinacyadii maalin ka hor dagaalamay in la kala qaado.

Inkastoo heshiis xabad joojin ah oo saddex qodob ka kooban ay shalay kaga dhawaaqeen magaalada Gaalkacyo odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada labada dhinac ayaa hadana heshiiskaas wali muuqan inuu dhaqan galay.

Labada dhinac ayaa waxaa uu midba midka kale ku eedeeyay inuu wado abaabul dagaal, waxaana isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo labada maamul ee deriska ah.

Dagaalkii maalin ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa ka dhashay markii wado laami ah oo ay dhisayeen maamulka Puntland ay soo gaartay dhinaca Galmudug, taasna ay keentay in is rasaaseyn uu bilowdo.