Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Qaraar laga keenay Darbiga kenya

0
330

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay dood ka yeeshaan Qaraar laga soo diyaariyay darbiga Kenya ay ka dhiseeyso Xadka ay wadaagaan  Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dhawaan Guddi Dowladda Soomaaliya ay u dirtay Xadka oo uu horkacayay Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa tagay halkaa,waxaana ay soo arkeen sida uu Xaalku yahay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo Baarlamaanka ka mid ah ayaa sheegay in maanta Xildhibaanada dalka ay dood ka yeelan doonaan Qaraarka ka dhanka ah Dowladda Kenya ee ku aadan dhismaha Darbiga.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay in ay ka xun yihiin Xadgudubka Kenya ay ku soo sameysay Dhulkeena Soomaaliya.