Abaal Marinta Ballon d’Or-ka , In Uu Ku Biiri Karo Kooxaha Barcelona Ama Manchester City, Waqtiga Uu Go’aan Ka Gaadhi Doono Mustaqbalkiisa Iyo Waxyabo Badan Oo Uu Ronaldo Ka Hadlay Waraysi Dheer Oo Uu Siiyay Associated Press

0
370

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay waxyaabo badan isaga oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay wakaalada wararka ee Associated Press. Ronaldo ayaa hoosta ka xariiqay in ay waxkastaaba kubbada cagta ka dhaci karaan oo uu ku biiri karo kooxaha Barcelona iyo Manchester City oo ay colaad wayni ka dhexayso kooxaha Real Madrid iyo Manchester United oo uu Ronaldo ka ciyaaro ama uu horeba uga soo ciyaaray.

Laakiin Ronaldo ayaa sheegay in uu ixtiraamayo heshiiska uu hadda kula jiro kooxdiisa Madrid isaga oo intaa raaciyay in uu go’aan ka gaadhi doono mustaqbalkiisa marka uu soo dhawaado dhamaadka heshiiska uu hadda kula jirto Real Madrid. Ronaldo ayaa intaa raaciyay in ay wax adag tahay in uu ka ciyaaro koox horyaalka Ingiriiska ah oo aan Man United ahayn balse ay tahay wax dhici karta.

Ronaldo ayaa yidhi: “Waxaa jira waxyaabo aad noocooga hadda aad fikrad ka haysto, in aan maalin u ciyaaro Barcelona waxay ugu dhawaan tahay waxaan suurtogal ahayn, ama in aan u ciyaaro koox horyaalka Ingiriiska ah oo aan ahayn Machester United, waa wax adag” ayuu Ronaldo u sheegay Associated Press.

Ronaldo oo hadalkiisa sii wata isla markaana cadaynaya in ayna fikrada hore ee uu soo sheegay boqolkiiba boqol ahayn mid la hubo ayaa yidhi: ” Laakiin taasi boqolkiiba boqol ma aha mid hubaal ah , sidii aan hore u sheegay, wax hubaal ahi kama jirto kubbada cagta, wax kastaaba way furan yihiin iyo dhamaan horyaaladuba”.

Ronaldo ayaa intaa kadib shaki galiyay in uu waayihiisa ciyaareed ku dhamaysan doono Madrid wuxuuna yidhi: “Waxaa laga yaabaa in aan waayahayga ciyaareed ku dhamaysto halkan Real Madrid, anigu kaliya daacad ayaan ahay, anigu ma ogi waxa barri dhici doona. Haddii aan boqolkiiba 75% hubi lahaa waan sheegi lahaa, laakiin dhibaato ayay noqonaysaa, laakiin wax fikrad ah anigu kama haysto”.

Cristiano Ronaldo ayaa kooxda Real Madrid heshiis kula jira ilaa sanadka 2018 ka markaas oo ay da’diisu noqon doonto 33 sano jir, waxaana hore loola xidhiidhinayay kooxaha horyaalka MLS ee Major League Soccer laakiin Ronaldo ayaan meesha ka saarin in uu America ka soo ciyaari doonto wuxuuna yidhi: “Waqti xaadirkan,anigu ma arko naftayda oo ka ciyaaraysa horyaalka Maraykanka, laakiin taasi waa waqti xaadirkan, laba ama saddex sano kadib waxaa laga yabaa in aan si ka duwan u fikiro”.

Ronaldo ayaa ka hadlay waqtiga uu go’aan ka gaadhi doono mustaqbalkiisa wuxuuna yidhi: “Marka uu soo dhawaado dhamaadka heshiiskaygu, ayaan go’aan gaadhi doonaa, haddii ay tahay in aan Real Madrid sii joogo ama aan koox kale ku biiro ama waayahayga ciyaareed soo dhameeyo sanado yar gudahood”.

Ronaldo ayaa si furan uga hadlay dareenkiisa wuxuuna yidhi: “Waa wax caadi ah, taasina waa sababta aanan u walwalsanayn, sababtoo ah waxaan ogahay in wax kastaaba uu bilaw iyo dhamaad leeyahay, aniguna taas diyaar ayaan u ahay. Waxaan diyaar u ahay in Real Madrid sii joogo, in an Real Madrid ka tago, in aan waayahayga ciyaareed gabagabeeyo marka uu waqtigu yimaado, waa qayb ka mid ah shaqadayda”.

Ronaldo ayaa wax laga waydiiyay xidiga ku guulaysan doono abaal marinta shaqsiga ah ee Ballon d’Or-ka oo isagu ka mid yahay saddexda xidig ee iskugu soo hadhay wuxuuna yidhi: “Xaqiiqdii anigu ma maamulo cida ku guulaysanaysa Ballon d’Or-ka, la mid maha sida kabta dahabka ah oo iyadu ku samaysan xotga”.

Ronaldo oo ka sii hadlaya Ballon d’Or-ka ayaa yidhi: “Ballon d’Or-ka waxay ku xidhan tahay cod, sidaa daraadeed waa wax adag, mararka qaarkood ayayna dadku fiirin wixii aad soo qabtay waqtigii la soo dhafay, waxay arkaan kaliya waxa aad hadda samaynayso, sidaa daraadeed waa wax aad u adag”.

“Waxaan filayaa in ayna waxlala yaabo noqon doonin haddii aan ku guulaysto Ballon d’Or-ka, anigu shaqsi ahaan waxaan soo qaatay xili ciyaareed fiican, marka laga eego dhinaca tirooyinka, kani wuxuu ahaa xili ciyaareedkii aniga iigu fiicnaa, laakiin may ahayn dhinaca koobab ku guulaysiga taasina waa hubaal, qof kasta oo ku guulaysta waxay nooqn doontaa ku guulaysi loo qalmo”.