Arsenal Oo Calaameesatay Soo Xero Galinta Sedex Xidig Oo Khadka Dhexe Ku Wanaagsan Madaama Xidigo Muhiim Ah Dhaawac ka Yihiin

0
343

 

Santi Cazorla iyo Francis Coquelin 3-bilood ee nagu soo fool leh kooxda Arsenal uma cayaari doonaan sidaa darteed macali Arsene Wenger ayaa lasoo saxiixan doono xidigo khadka dhexe ku wanaagsan.

Wargeska Dialy Mail ayaa qoray in Arsenal ay siyaabo kala duwan ula xariirtay xidigaha khadka dhexe ku wanaagsan ee kala ah Christoph Kramer, Lars Bender iyo William Carvalho.

Arsenal waxay la xariirtay kooxda Bayer Leverkusen sidii looga iibin lahaa xidigaha kala ah Christoph Kramer iyo Lars Bender.

Balse naadiga Leverkusen ayaa u sheegtay Arsenal in Christoph Kramer uusan beec ahayn balse hadii ay doonayaan inay Lars Bender la saxiixdaan qiimo 25-milyan oo pound miiska soo saaraan.

Arsenal ayaa ka walaacsan Lars Bender oo ah laacib dhaawacyadiisa badan yihiin sidaa darteed Arsenal Lars Bender oo kaliya iskuma haleyn doonto.

William Carvalho oo kubad bur buriye awood badan ayay Arsenal dooneysaa inay gacanta kusoo dhito bisha Janaayo.

Balse kooxda Sporting Lisbon xidigan qiimo jaban kuma fasixi doonto waxayna ku dooneysaa 33-milyan oo pound.

Macalin Wenger ayaa sheegay in kooxdiisa xaalada ay ku sugan tahay uusan waxba ka qaban karin balse bisha Janaayo uu ku qabsan yahay inuu xidigo khadka dhexe ku wanaagsan garoonka Emirates keeno.

Lars Bender iyo William Carvalho.