Baarlamaanka Oo Yeelanaya kulan Gaar Ah Oo Dibad joog ka Yihiin Saxaafadda

0
422

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan aan caadi aheyn oo ay dibad joog ka yihiin Saxaafadda, iyadoo kulankan uu ku saabsan yahay arrimaha Hiigsiga sanadka 2016 oo la qorsheynayo in Soomaaliya ka dhacaan nooc doorasho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo shalay ka hadlayay kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in maanta oo Talaado ah ay yeelanayaan kulan gaar ah, isagoo faray Xildhibaanada inay soo xaadiraan ka hor 10-ka subaxnimo.

Jawaari ayaa sheegay in kulankan aysan ka qeyb geli doonin Saxaafadda, iyadoo inta badan Saxaafada ay ka qeyb geli jireen kulamada Baarlamaanka.

Kulankan ayaa la filayaa in warbixin looga dhageysto Guddi Xildhibaano ah oo dhowaan ka qeyb galay shirarkii ku saabsanaa Hiigsiga oo ka dhacay magaalada Muqdisho.