Boqorka Caawinta Mesut Ozil Oo Markaan Dhalashadiisa Ku Caawiyay Xidiga Ka Dhaawacan Arsenal Ee Santi Cazorla

0
513

 

Kubad sameeyaha kooxda Gunners Mesut Ozil ayaa fariin qiimo leh u diray saaxiibkiisa Santi Cazorla isagoo doonaya inuu ku caawiyo dabaal dagga xafladda dhalashadiisa.

Xidigii hore Malaga iyo xulka Spain ayaa 31-jirsaday shalay iyadoo kooxdiisana ay gaartay guul muhiim aheyd waxeyna 0-2 kusoo muquunisay Aston Villa kulan ka dhacay Villa Park, Cazorla ma uusan ciyaarin madama uu dhaawac mudo dheer garoomada u diidaya soo gaaray dhawaan.

Si kastaba Ozil oo Ramsey ku caawiyay goolka labaad ee Gunners guusha u keenay ayaa markaan fariin u dhigay Instagram-ka Santi Cazorla.

“Hambalyo Santi! Waxaan rajeynaa inaan ku caawinay farxadda dhalashadaada guusha aan banaanka kusoo gaarnay maanta! #Caafimaad Deg-Deg ah ayaan kuu rajeynaa” Ayuu Mesut kusoo qoray barta ay bulshada ku xariirto ee Instagram-ka.

OZIL

Ozil