{DAAWO SAWIRADDA} Ciidamada Amaanka Soomaaliya Oo Hub Ka Soo Saaray Masaajid Ku Yaalla Degmada Hodan

0
394

DSC00075

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa baaritaano ay ka sameeyeen masaajid ku yaal degmada Hodan waxay ku soo heleen hub iyo lacag lagu qariyay.

Wararka ayaa sheegaya in howl galkan uu ka dambeeyay markii ciidamada booliska ay heleen xog ku aadan in hub lagu qariyay masaajidka.

Hubkan ayaa isugu jiray rasaasta gantaalada lidka diyaaradaha iyo kuwa garbaha laga tuuro, sidoo kale waxaa wehliyay lacag doollar ah oo illaa saddex kun gaareysay.

Wasiirka Amniga oo tagay goobta howl galka ka socday ee masaajidka ayaa ku ammaanay ciidamada booliska sidii hubkan wax gumaada gacanta ugu dhigeen, iyagoo macluumaad ka heystay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono hubkaas iyo cida laheyd.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in hubkan la doonayay in loo isticmaalo in lagu qal qal geliyo ammaanka Caasimada.

DSC00047DSC00085DSC00089DSC00126-2