Ciidamada AMISOM oo Dad Shacab ah ku dilay Gobolka Shabellaha Hoose

0
298

Wararka ka imaanaya Degaanka Golweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Midawga Afrika Ee AMISOM ay halkaasi ku dileen ilaa Afar Qof oo Shacab ah.

Qof Goobjooge ayaa sheegay in Saddex kamid ah  Dadka la dilay ay Ciidamada AMISOM ku dileen Magaalada Golweyn,iyadoo Qofka kale asna lagu dilay Degaanka Golweyn.

Degaanka Golweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Shalay Qarax Ismiidaamin ah waxaa lagula beegsaday Wafdi uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ilaa Hadda lama oga Sababta ka danbeysay Dilka Afarta Fuur ee ay Dileen Ciidamada Midawga Afrika ee ku sugan Degaanka Gobolka Shabellaha Hoose.