Ciidamada Booliska Oo u Dabaal Dagaya 72 Sano Guuradii ka Soo Wareegatay Markii La Aas aasay

0
372

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo la aas aasay 1943-dii ayaa maanta waxaa ay u dabaal dagayaan 72 Sano Guuradii ka soo wareegatay Markii La aas aasay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabado lagu Xusayo Aas aaska Ciidamada Booliska ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacaan Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya iyo sidoo kale qeybo ka mid ah Gobolada Dalka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Hambalyo u diray Dhamaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed,Caruurtooda iyo Xaasaskooda intaba.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Booliska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin Saaxiibo islamarkaana Shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Booliska oo ay Garab siiyaan .

Sidoo kale Munaasabadda ugu weyn ee loogu dabaal dagayo Aas aaska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacaysa xarumaha Kumaado Bulisiyo iyo Sikuul Bulusiyo.