Ciidamada dowlada Oo Howlgala Ka Sameyay Degaano Katirsan Gobolka Sh/Hoose

0
277

Howlgalo si wada jir ah u qaadeen Ciidanka NISA iyo kuwa maamulka Gobolka Sh/hoose ayaa ka socda qeyba kamid ah gobalkaasi sida uu warbaahinta u shegay Afhayeenka maamulka Gobolka Sh/hoose Max’ed Shiino waxana howlgalkaasi lagu baacsaday kooxo burcad ah oo gaadiid ku heystay Gobolkaasi.

Afayenka Wuxuu sheegay in ciidanka ay kala eryeen kooxihii hubeysnaa,islamarkaana soo furtay gaadiidkii iyo dadkii saarnaa oo lacago xaddhaaf ah u afduubnaa.

Sidoo kale,Afhayeenka maamulka Gobolka Shabeelaha hoose ayaa uga mahad celiyay Ciidanka Hay’ada nabad sugida oo gacan weyn ka geystay fulinta howlgalkaasi lagu qaaday rag xiran dareeska Ciidanka oo dhac u geysta gaadiidka isticmaala Gobolka Sh/hoose gaar ahaan wadada dheer ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Isbaarooyin lacago sharcidaro ah looga qaado Gaadiidka ayaa yaala wadooyinka qaar ee Gobolka Sh/hoose,kuwaasi oo dhowr jeer maamulka Gobolkaasi oo kaashanaya Dowlada Federaalka halkaasi ka qaadeen,balse dib loo soo dhigay.

Gaadiidleyda isticmaasha Wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa cabasho ka muujiyay baro control oo looga qaado Lacago aysan awoodin bixintooda.