Ciidamada dowlada Somalia oo sheegey in gacanta lagu dhigay rag ka tirsan xarakada al shabaab.

0
385

Maamulka Dowlada Soomaaliya u qaabilsan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ay qabteen nin Ajnabi ah oo katirsanaa Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Max’ed Barre Jeex, oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Xooga Soomaaliyeed ay qabteen nin ajnabi ah oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay Gudoomiyaha in ninkan ajnabiga ah laga qabtay Xeebta Baraawe, waxa uuna intaa raaciyay in Ninkan markii ay wareesteen uu u sheeay in uu kasoo baxsadayy Dagaalyahanada Al-Shabaab uu katirsanaa.

Xuseen Max’ed Barre, ayaa sheegay in baaritaano kadib ay ninkan ku wareejiyeen Ciidamada AMISOM ee ku sugan Degmada Baraawe, waxa uuna xusay in Ninkan ay tuhmayaan in uu kasoo jeedo dalka Mareykanka.

Al-Shabaab ayaan ka hadlin warkan kasoo baxay Maamulka Degmada Baraawe, mana jiro ilo madax banaan oo xaqiiinaya sheegashada Maamulka Baraawe oo ku aadan in Nin Ajnabi ah oo katirsanaa Al-Shabaab ay qabteen.