Ciidamada Kenya Oo Xabsiga Dhigay Xildhibaan Aadan Bilow Kerrow Kadib Markii…

0
300

Booliska Dalka  Kenya ayaa xabsiga u taxaabay xildhibaan Aadan Bilow Kerrow oo ka tirsan aqalka sare ee dalka Kenya.

Billow Kerrow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isaga iyo siyaasiin kale oo ka soo jeeda woqooyi bari kenya laga qabtay garoonka kaddib markii ay ka soo laabteen deegaanka Mandera.

Xiritaankiisa waxa uu yimid kaddib markii uu ku dooday in xabaal-wadareed laga helay Mandheera balse markii la baaray laga helay hal mayd oo kali ah.

Kerrow ayaa markii dambe raali gelin ka bixiyay eedeymahaasi oo uu u jeediyay laamaha ammaanka Kenya.