Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray Guriceel Ee G. Galgadud

0
435

Wararka ka imaanaya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata ilaa 20 Gaadiidka Dagaalka ah ay gaareen Magaaladaasi.

 

Ciidamada ayaa ku biiray Ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM Faraca Idoobiya oo Fariisimo ku leh Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

 

Sidoo kale Wararka laga helayo Xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya ayaa la sheegayaa in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ay soo buux dhaafiyeen.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadaasi ay ku soo wahajan yihiin Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Galgaduud oo ay ka howlgalaan Ciidamada Itoobiya qeybta AMISOM.