Ciidamo Itoobiyaan ah oo Saaka la Wareegay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb

0
438

Wararka Saaka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi oo Mudooyinkaan u Xirnaa Mamaulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca.

Ciidamo aad u badan oo wata ilaa 8 Gaari oo ah Nuuca Dagaalka ah ayaa Saaka la Wareegay Madaarka Magaalada Dhuusamareeb,waxaana horay halkaa u joogay Ciidamada Maamulka Ahlusunna.

Sababta ka danbeysa la Wareegida  Ciidamada Itoobiya Garoonka Dayuuradaha Ee Magaalada Dhuusamareeb ayaan la ogeyn,iyadoo Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayan in Ciidamada Itoobiya ay doonayaan in Garoonka dib loo furo islamarkaana laga bilaabo  Duulimaadyadii Hakadka galay.