Ciidanka Ciraaq oo sheegay inay ISIS ka saareen xeryihii u dambeeyay ee ay ku lahaayeen Ramadi

0
380

Ciidamada dalka Ciraaq ayaa sheegay Axada maanta ah inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Ramaadi oo galbeedka dalka Ciraaq ku taalla, halkaasoo ahayd magaalo ay awood badan ku lahayd kooxda Islaamiga ah ee ISIS.

Sabah al-Numani oo ah afhayeenka ciidamada dowladda Ciraaq ee howlgallada ka dhanka ah kooxda kooxda ISIS kawada dalka Ciraaq ayaa sheegay inay si buuxda ula Wareegeen magaaladaas, ayna goobihii ugu dambeeyay maanta ka saareen Daacish.

“Qabsashada saldhigyadii ugu dambeeyay ee ISIS ay ku lahayd Ramadi waxay ka dhigan tahay in kooxda la jabiyay,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Ciraaq ee dagaalka kula jira ISIS, Sabah al-Numani oo warbaahinta la hadlay goor-dhow.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray. “Tallaabada xigta ee aan qaadayno waa inaan nadiifinno goobihii ay ISIS kaga sugnaayeen magaalada Ramadi oo laga yaabo inay waxyaabo qarxa uga tageen.”

“Xarumihii ugu dambeeyay ee Daacish ay ku sugnaayeen si buuxda ayaan looga saaray, mana jiraan wax kooxda ISIS ka tirsan oo haatan ku sugan,” ayuu mar kale afhayeenku u sheegay warbaahintii uu la hadlayay.

Ugu dambeyn, magaalada Ramadi oo Qiyaastii 100-km dhinaca galbeedka kaga beegan magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq ayaa noqonaysa guushii ugu weynayd ee ay gaaraan ciidamada Ciraaq oo dib u qabsashadoodan ay ku soo beegmayso xilli ISIS ay la wareegeen bishii May ee sannadkan.

Si kastaba ha ahaatee, howlgallada ay ciidamada dalka Ciraaq iyo kuwa caawinaya ee uu Mareykanku hoggaaminayo ku qabsadeen magaalada Ramaadi ayaa socday muddo dhowr toddobaad ah.

ciraaq dagaal