{DAAWO MUUAQAALKA} Maamulka Degmada Jalalaqsi Oo Ka Hadlay Fatahaad Wabiga Shabele Uu Ka Gestay Degmadaasi

0
508

Fatahaada wabiga shabeela uu ku fathaay Degmada jalalaqsi iyo degaanada hoosyimaada ayaa saameysay dadka ku nool jalalaqsi waxa ayna sababtay in halkaaasi ay ka dilaacaan cudura kala duwan sida maleeriya jedeeco iyo cudura kale oo ay la ildaran yihiin dadka degan Degmada jalalaqsi iyo tuuloyin ku xeeran.
Dadka sidoo kale ay saameysay Fatahaada Wabiga Shabele uu ka gestay jalalaqsi waxa kamid ah beraleyda ku dhaqan degmadaasi oo dalagyadii beeren baabisay fatahaada waxana jiraan daddaala dhowra ah ay sameyen maamulka Degmada Ciidamada AMISOM iyo dadka shacabka ah oo is kaashanay si ay kaga hortagaan qasaara badan ee ka dhasha Fatahaada Wabiga Shabeele.
Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan Maxamed C.lle Fiidow oo la hadlay Warbaahinta ayaa shegay in aysan ka jirin Degmada wax xarun caafimaad oo lagu dabiibo dadka ku dhibaateysan jalalaqsi iyo tuuloyinka ku dhaw.
Maxamed C.lle Fiidow Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Waxa uu shegay in ay jiraan kumanaan isugu jira beraley iyo xoola dhaqato ah ay ku soo barakacen Degmada kadib markii berihi iyo degaanadii ay ku noolaayen uu ku fatahay Wabiga Shabele isagoona Dowlada iyo Hay’adaha Samafalka ku edeyay in ay ka gaabiyen waxqabadkii looga baahnaa.
HALKA HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA:-