{DAAWO SAWIRADA} Banaan Bax Lagu Tagerayo Heshiiskii Gaalkacyo Oo Ka Dhacay Kismaayo

0
564

Dibadbaxan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Jubaland ayaa waxaa ka qeybqaadanayay masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Banaan baxayaasha  oo isugu soo ururay beerta xoriyadda ee bartamaha magaalada Kismayo ayaa waxa ay siteen boorar ay ku xardhanaayeen halkudhigyo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsanyihiin heshiiskii ay madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ku kala sixiixdeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Fagaaraha beerta xoriyadda ayaa waxaa khudbado ka jeediyay madax ka tirsan Jubaland oo uu kamid yahay madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere), Wasiirro iyo madax kale oo ka tirsan maamulka, kuwaaa oo soo dhaweeyay heshiiska lagu gaaray Gaalkacyo.

“Waa talaabo aad u wanaagsan oo ku dayasho mudane, waxaa loo baahanyahay in madaxda Soomaaliyeed ay wadahadal ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee dhexdooda ah,” ayuu yiri Madaxweeyne kuxigeenka Jubaland.

Dadkii ka hadlay goobta ayaa mahadcelin u jeediyay madaxda Soomaaliyeed ee dadaalka dheer gelisay sidii loo hakin lahaa xiisadihii ka aloosnaa Gaalkacyo.

Madaxweeyneyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis ku kala sixiixday garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, ayadoo heshiiskaasi ay garwadeen ka ahaayeen Raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane C/rashiid Cali Sharmaake, Madaxweeynaha Jubaland Axmed Max’ed Islaam (Madoobe) iyo madaxweeynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Taagere 1 Taagere 2 Taagere 3 Taagere 4 Taagere 5 Taagere 6 Taagere 7 Taagere 8 Taagere