{DAAWO SAWIRADA} Booliska Maamulka Koonfur Galbed Oo Lagu Sameyay Baaritaano Caafimaad

0
545

Ciidanka booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa magaalada Baydhabo ee gobolka Bay baaritaanno caafimaad iyo kuw la xiriira jirdhiska ku mariyay 200 oo askari oo ka tirsan ciidanka booliiska Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Booqlaalkan askari ayaa tababarkooda ciidannimo dhameystay bishii November ee la soo dhaafay ayaa shalay la mariyay baaritaanno caafimaad iyo kala doorasho, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar, sida uu sheegtay kormeeraha booliiska AMISOM, Saalax Somalia oo hoggaaminayay ciidamada baaritaanka iyo kala xulashada sameynayay.

Askartan ayaa waxay qayb ka yihiin 600 oo askari oo la doonayo in loo tababaro maamul-goboleedka KMG ah ee Koonfur-galbeed Somalia, kuwaas oo isugu jiri doona askar iyo saraakiil booliis.

Taliyaha ciidamada booliiska maamulka Koonfur-galbeed, Jen. Ibraahim Macallin Kutub ayaa uga mahad-celiyay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Beesha Calaamka gacanta ay ka geysatay taageerada ciidamada booliiska Koonfur-galbeed Somalia.

Sidoo kale, taliyaha ayaa rajo ka muujiyay in ciidanka ay kaalin weyn ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo ku dhaqanka sharciga deegaannada maamulkoodu ka taliyo, waxayna xoojin doonaan ciidamadii horay u shaqeynayay.

Kormeeraha guud ee ciidanka booliiska AMISOM, Salah Somalia oo isagana hadlay ayaa yiri. “Waxaanu baaritaan caafimaad marinnay 218-askari oo ay ka mid yihiin 22-haween ah. Waxaanan rajeynaynaa inaan haween intaan ka badan qorno, waayo xaaladdan oo kale waxaan u baahanahay haween badan oo noqda saraakiil si ay u caawiyaan haweenka iyo caruurta dhibaatooyinka loo geysto.”

Tallaabadan baaritaanka iyo jimicsiga loogu sameeyay ciidanka booliiska Somalia waa qayb ka mid ah waajibaadka howlgalka booliiska AMISOM ay u joogaan dalka Somalia.

Booliska baydhabo.1jpg Booliska baydhabo.2jpg Booliska baydhabo.3jpg Booliska baydhabo.4jpg Booliska baydhabo.5jpg Booliska baydhabo.6jpg Booliska baydhabo.7jpg Booliska baydhabo.8jpg Booliska baydhabo.9jpg Booliska baydhabo