{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada somaliya Ayaa Ku Guuleysat In Ay Kala qadaan Maleshiyaadkii Baladweyne Ku Dagalamay

0
584

Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa  dowlada  soomaaliya  ayaa ku guleysatay in ay kala qadaan Labadii maleshiyo beleed Beelood  ee dhawaan ku dagaalamay  xafada howlwadaag ee magalada baladweyne

Taliyaha Ciidamada AMISOM Ee Gobolka hiiraan Col. Cismaan Dubad ayaa sheegay in lagu guuleystay in la kala qaado Ciidamada maleeshiyadka labada dhinac oo malmahan ku dagalamayay Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne,

Col,Tawane Axmed  Hure  Taliyaha Ciidamada Xooga  Ee Gobolka hiiraan Oo hogaaminayay Ciidamada kala dhaxgalay Waabarigii Horre ee sake  ayaa sheegay inta lagu guda jiray kala qaadista Ciidamada maleeshiyadka la toogtay Sarkaal ka Tirsan Ciidamada dowlada ee Gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mumiin Cirba dheere

Col, tawane ayaa Intaasi ku daray in ay hada ku guuleysteen xalinta dagaalka  baladweyne islamrkana ay labada ciidan magalada kasaareen oo hada goobahii lagu dagalamay ay jogaan  Ciidamad Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM

Isaaq Cali cabdi Taliyaha Qeybta booliska Gobolka  ayaa shegay  in dadaalo dheer kadib ay ku guuleysteen in la dhameeyo  dagaalka iyo xabad joojinta labada dhinac waxana labada uu kula taliyay in ay ilaaliyaan nidaamka hada lagu kala joojiyay labada dhinac

Dadaaladan manta lagu kala qaday maleshiyaadka ayaa waxaa  ay ahaayeen kuwa waqti dheer qatay  wallow markii danbe lagu guuleysatay in  si buuxdo lo kala qaado

 

 

 

 

dagaalkii baladweyne  (26) dagaalkii baladweyne  (22) dagaalkii baladweyne  (16) dagaalkii baladweyne  (9) Col tawane dagaalkii baladweyne  (1) Col isaqq cali cabdi Col dubad dagaalkii baladweyne  (3) dagaalkii baladweyne  (10) dagaalkii baladweyne  (2) dagaalkii baladweyne  (17)

Wariye Cabdi wali xusen Tawakal 
Radio Hiranweyn Baladweyne