{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada dowlada Oo Al.shabaab Kula Dagaalamay Degaana Hoosyimaada Buullo-burte

1
574

Howlgaladaan oo maalmihii ugu dambeyay ciidamada dowlada soomaaliya oo garab military ka helaya kuwa AMISOM ay ka sameyen inta u dhaxeysa Degmooyinka Maxaas Halgan iyo Degmada  Buloburde ee kawada tirsan  Gobalka Hiiraan.

Ciidamada ayaa howlgalka ka sameyay wada laamiga ah ee isku xirta magaaloyinka Halgan iyo Bulobude waxana sidoo kale ka mid ah goobaha laga fuliyay howlgalka wada cariga ah ee isku xirta bulobude iyo maxaas iyo degaana kale ee hosyimaada degmooyinkaasi oo ay fariisima ku lahaayen al.shabaab.

Taliyaha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Degmada Buloburde Gaashaanle sare C.llaahi bare oo la hadlay Hiiraanweyn.net ayaa shegay in howlgalkan laga fuliyay degaana degmada buulobude u jira ilaa 90’Kmt isla markaana ay si jogta u sameyaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

‘’Howlgalka maaha wax maalma socday waxa wadnay in muda ah waxa kasemeyna degaana dhowr ah oo ay kamid yihiin Tuulooyinka Sagaalged Aboorey yasooman beerayabaal tardo ceeltimire weylawad iyo degaana kale oo ay ku dhuumaaleysanayen Al.shabaab’’ Sidaasi waxa yiri C.laahi bare

Sidoo kale C.laahi Bare Taliyaha hogaaminaya Howlgalka ay qaaden ciidamada dowlada eek u sugan Buloburde ayaa shacabka Degmadaasi ku amaanaya sida ay ula shaqeyaan laamaha amaanka waxana uu shegay in howgalkaani uu sii socon dona inta al.shabaab ay kasaarayaan degaanada ay kaga sugan yihiin Gobalka Hiiraan.

Ciidamada dowlada iyo kuwa jabuuti ee ku sugan degmada buuloburde ayaa siweyn u xaqiijiyay amaanka buuloburde iyo degaanada hoosyimaada waxana ay taasi sababtay in buuloburde ay noqota degmada ugu amaanka badan degmooyinka Gobalka Hiiraan.

Howlgala Buloburte (1)  Howlgala Buloburte (4) Howlgala Buloburte (5) Howlgala Buloburte (6) Howlgala Buloburte (7)  Howlgala Buloburte (9) Howlgala Buloburte (10) Howlgala Buloburte (11) Howlgala Buloburte (12) Howlgala Buloburte (13) Howlgala Buloburte (14) Howlgala Buloburte (15) Howlgala Buloburte (16) Howlgala Buloburte (17) Howlgala Buloburte (18) Howlgala Buloburte (19) Howlgala Buloburte (20) Howlgala Buloburte (2)

 

SAWIR QAADE:- BY MAKARAAN

 

Comments are closed.