{DAAWO SAWIRADA} Daacish Oo La Ogaaday Halka Ay Hubka Ka Hesho……

0
593

Taangiyada iyo hubka culus ee ku dagaalamaan Dagaalyahanada kooxda Daacish ayaa la ogaaday in ay yihiin hub ay soo saareen Dowlado waa weyn oo hada dagaal kula jira Kooxdaasi.

Daacish ayaa baraha bulshada kusoo bandhigtay Sawirada Taangiyo, Qoryaha lIdka Diyaaradaha iyo hub kale oo casri ah ay Kooxdaasi ku dagaalamaan.

Taangiyada iyo hub kale oo ay Kooxda Daacish heestaan ayaa la ogaaday in ay sameeyeen wadamo ay kamid yihiin UK, Russia, China, USA, Germany iyo France, hubkan ayaana badankood ah kuwa la siiyay Ciidamada Dowlada Ciraaq.

Hubkan ayaa qaarkood qaab musuq maasuq looga xaday Keydka hubka Dowlada Ciraaq , waxaana mid kamid ah Taangiyada hada soo bandhigtay kooxda Daacish la ogaaday in si xatooyo ah looga bixiyay keydka hubka Dowlada Ciraaq.

Warbaahinta Caalamka ayaa qoray in hubkan Kooxda Daacish hada ku dagalamayaan ee casriga ah ay sameeyeen Dowladaha hada dagaalka kula jira Kooxdaasi sida Mareykanka ,UK, Faransiiska iyo Ruushka.

Taangiyada Daacish.1jpg Taangiyada Daacish.2jpg Taangiyada Daacish.3jpg Taangiyada Daacish.4jpg Taangiyada Daacish.5jpg Taangiyada Daacish.6jpg Taangiyada Daacish