{DAAWO SAWIRADA} Dab Ka Kacay Isbitaal Ku Yaala Dalka Sacuudiga Iyo Qasaaraha

0
386

Dab xoogan oo qasaaro kala duwan dhaliyay ayaa ka kacay Isbitaal weyn oo kuyaala Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaa oo lagu magacaabo Jazan General Hospitaal.

Inta la ogyahay 25-qof ayaa ku dhimatay dabkaasi xoogan ee ka kacay dhismaha Isbitaalka oo dabaq ahaa, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan oo qaarkood halis yihiin uu dabkaasi gaarsiiyay dad ka badan 105-qof.
Ciidamada Sacuudiga iyo laamaha gurmadka deg dega ee dalkaasi ayaa u gurmaday isbitaalka uu dabku ka kacay, waxa ayna gurmad u fidiyeen qaar badan oo kamid ahaa dadkii gudaha Isbitaalka ku sugnaa xiligii uu dabku kacayay.

Waxaa laga cabsi qabaa in qasaaraha dhimasho ee ka dhashay dabka ka kacay Isbitaalka Jazan uu sii kordho , waxaana wali socda gurmadka ay sameenayaan laamaha dab damiska iyo kooxaha kale ee gurmadka deg dega ah.

Dab Sacuudi.1jpg Dab Sacuudi.2jpg Dab Sacuudi