{DAAWO SAWIRADA} Dadkii Ka Barakacay Gaalkacyo Oo Bilaabay In Dib ay Ugu Soo Laabtaan Magaalada

0
383

Shacabkii dhawaan ka qaxay Dagaaladii cuslaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo una dhaxeeyay Ciidamada Maamulada Puntiland iyo Galmudug ayaa bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan Guryahooda kadib heshiis laga gaaray dagaaladaasi.

Dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa sabab u noqday Kumanaan shacab ah oo kunoolaa Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo in ay isaga cararaan guryahooda, ayna u qaxaan deegaano iyo Degmooyin kale oo ka baxsan Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa hada ah mid dagan, waxaana heshiis horudhac ah laga gaaray dagaaladii dhawaan Magaaladaasi ku dhax maray Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntiland, shacabka ayaana bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Gaadiid badan oo ay wataan dadkii barakacay ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo laabanayay Magaalada Gaalkacyo, waxaana hada dib u furmay goobihii ganacsiga iyo Dugsiyada Waxbarashada oo dagaalada ku xirmay.

Qax Qax2 Qax3 Qax5