{DAAWO SAWIRADA} Deg Deg’ Heshiis ay Wada Gaaren Belihii Dhawaan ku Dagaalamay Magaalada B.weyne

0
392

 

Belihii dhawaan ku dagaalamay xaafada howlwadaag ee magaalada b.weyne ayaa manta heshiis ku kala saxiixday xarunta maamulka Gobolka Hiiraan waxana heshiiskan goob jog ahaa Wasiirka amniga qaranka soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay Odayaasha dhaqanka saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Heshiiskan laga gaaray colaadii dhawaan ka dhacday degmada B.weyne oo u dhaxeysay laba belod oo wada dega xaafada howlwadaag ee magaalada b.weyne waxana uu ka kobnaa shan qodob oo kala ahaa.

1-dhaqan galinta iyo adkeynta heshiiska laga gaaray colaadii u dhaxeysay labada beelod  iyado isla markaana laga fogaanaya wax kasta oo keni kara colaad dagaal,

2-in dhamaan goobihii lagu dagaalamay ay ahaadan kuwa ka caagan ciidama maleshiya beeled ah waxana goobahaasi ku sugnaanaya ciidamada AMISOM iyo kuaw dowlada soomaaliya,

3-iney balan qaadaan odayaasha iyo cuqaasha labada dhinaca ka shaqeynta amaanka magaalada iyo wax kasta oo caqabad ku noqonaya amaanka iyadoo loo saarayo gudi ka kooban labada dhinac iyo odayaasha dhaqanka gobolka hiiraan,

4-waxii tabasha siyaasadeed ah ay qabaan labada belod waa in loo maraa wado sharci ah dowlada soomaaliyana waxa diyaar u tahay xalinta wax kasto oo ay tabanayaan,

5-ciskasta oo loo arka in ay caqabad ku tahay heshiiskan waxa laga qaadaya talaabo waa faqsan sharciga waxana dhaqan galinta heshiiskan masuul ka ah dowlada oo kaa shaneysa ciidamada AMISOM.

Odayaashii heshiiskan  u kala saxiixay labada belood ayaa shegay iney ka shaqeyn donaan hirgilinta heshiiska hordhaca ah ee laga gaaray dagaaladii xafada h.wadaag ku dhexmaray labadan belod isla markaan si wada jir ay kaga hortagayaan cidii jabisa heshiiska.

Taliyaha ciidamada jabuuti ee gobolka hiiraan Col.Cusmaan dubad oo madasha uu ka dhacay heshiiskan ka hadlay ayaa shegay inoo taageray heshiiska laga gaaray dagaaladii dhexmaray maleshiya beledkiii iska soo horjeday.

Sidoo kale goobta uu ka dhacayay heshiiska wax aka hadlay wasiirka badrolka iyo macdanta oo qeyb ka ahaa wafdiga howlaha nabadeynta u joogay degmada b.weyne isagoona shegay in dowlada soomaaliya ay u taagan tahay xalinta dagaalada noocan oo kale ah.

Ugu dambeynka halka lagu soo bandhigayay heshiiska ay gaaren belihii dhawaan ku dagaalamay xaafada howlwadaag wax aka hadlay Wasiirka amniga xukuumada soomaaliya C.risaaq cumar maxamed waxana uu sheegay in looga baahan yahay labada beelod ka dhabeynta heshiiska lagu gaaray b.weyne.

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

Heshiis (3)

DCIM100MEDIA

Heshiis (1) Heshiis (4)

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

Heshiis (2)Heshiis (4)