{DAAWO SAWIRADA} Dhalashada Nabiga (NNKH) Oo Si Weyn Looga Xusay Magalada Johannesburg Ee Dalka K/Afirka

0
905
Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay islamarkaane lagu maamuusayay dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH) ayaa xalay lagu qabtay xaafada mayfair oo ay soomaalida ka dagantahay Magaalada johannesburg ee dalka K/Africa.
Munaasabadani oo si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Dalada culumaa,udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo jaaliyada soomalida ee dalka k/afrika Ee  (somali community board) ayaa waxa ka so qeyb galay Culumaa’udiin, aqoonyahano, dhalinyaro, Waxgarad, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Koonfur Africa iyo sido kale culima,udiin u dhashay qomiyadaha kala duwan ee ku nool dalkan k/afrika.
Culimi,ada ayaa ka hor munaasabada waxay socod kuso mareeen wadooyinka magalada johannesburg gaar ahaan xaafada ay soomaalida ku nooshay ee mayfair iyago kor u qaadaya islamarkaane weyneynaya dhalashada Nabiga (NNKH) waxaana amaanka sugayay ciidama ka tirsan police-ka dalka k/afrika
Munaasabadaasi ayaa waxaa ka hadlay qaar kamid ah culima,uudinkii kaso qaalay waxaana ay goobta ka jeediyeen qudbadahii ay ugu talagaleen  munaasabada iyo dadweynahii ka qeybgalay iyagona diirada ku saarayay muhimada ay leedahay xuska dhalashada nabi maxamed (NNKH) waxaana dadweynihii ka qeyb galay munsaaabada ay culimada weydiinayeen su,aala kala duwan culima,udiinkane ay dhankooda jawaabe ka bixinayeen
Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika (somali community board) Amir Sheikh oo ka hadlay munaasabada ixtifaalka loo sameeynayay dhalashada nabdi maxamed (NNKH) ayaa waxa uu sheegay in ay sharaf weyn u tahay in jaaliyad intan la eg ay uso baxaan xuska dhalashada nabigeena mohamed NNKH) waxaana uu goobta kaga shekeeyay taariikhda iyo muhimada ay leedahay in maalintan la weyneeyo lana muujiyo shucuurta muslimiinta waxaana uu dhanka kale kuso dhaweeyay qomiyadaha kale ee koonfur afrika u dhashay in ay farxad weyn u tahay in munaasabada dhashada Nabiga (NNKH)  ay kala so qeybgalaan.
Si kastaba ha ahaatee munaasabadan mid lamid ah ayaa lagu wada in maalimaha so socda ay ka dhacdo magalada rustenburg oo soomaali aad u badan ay ku noolyihiin waxaana xusid mudan in qowmiyadaha kale ee wadanka islamarkane ah muslimiinta ay iyagane dhankooda dhigayaan munaasabado balaana oo lagu xusayo dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH)
NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (1) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (3) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (4) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (5) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (6) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (7) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (8) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (9) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (10) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (11) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (12) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (14) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (15) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (16) NABI AMAAN SOUTH AFRICA  (2)
Omar Kiyow
Hiiraanweyn.net
Johannesburg