{DAAWO SAWIRADA} Dowladaha Britain Iyo Kenya Oo Gaaray Heshiis Dhanka Ciidamada Millateriga ah

0
353

Dowladaha Kenya iyo Biritain ayaa kala Saxiixday maanta heshiis ay Britain ku Tababbarayso millateriga Kenya, iyadoo heshiiskan cusub uu soconayo muddo shan sannadood ah.

Qaar ka mid ah saraakiisha Kenya ayaa sheegay in si taxaddar leh ay u soo dhaweynayaan heshiiskan ay la galeen dowladda UK ee lagu xoojinayo tababarrada la siinayo ciidamada millateriga Kenya.

Dowladda Britian ayaa waxay millateriga Kenya ka caawin doontaa qalabeynta ciidanka amniga, iyadoo heshiiskan uu imaanayo iyadoo Kenya ay ka joogaan Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Qodobadan heshiiska waxaa ka mid ah in askarigii lagu soo eedeyo inuu fal-dambiyeed ku kaco inay ka hadli doonaan maxkamadaha UK iyo Kenya, iyadoo maxkamadda ciidamada UK ay u badan tahay inay shaqada ka erido askartii lagu soo eedeeyo dambi, inta muddada heshiiskan lagu gudo-jiro.

Heshiiskaan ayaa waxaa Xukuumadda Kenya ayaa waxaa u saxiixday Wasiiradda Difaaca Kenya, Raychelle Omamo, halka UK uu u saxiixay danjiraha u fadhiya magaalada Nairobi, Nic Hailey.

Ugu dambeyn, Britain ayaa sheegtay in dhaqaalaha tababarka ciidamada Kenya ku baxaya uu gaarayo 9-bilyan oo shillinka Kenya ah, taasoo u dhiganta $88.41-Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Heshiiskan ayaa waxaa la marin doonaa Baarlamaannada Kenya iyo Ingiriiska si ay u ansixiyaan, iyadoo wasiirrada difaaca Kenya ay ku tilmaantay heshiiskan mid faa’iido badan u leh Kenya.

Heshiis