{DAAWO SAWIRADA} Duqeymo dad badan lagu laayay oo ka dhacday Deegaano kuyaala Duleedka Dimishiq

0
333

Diyaaradaha Dagaalka Ruushka iyo kuwa Dowlada Siiriya ayaa duqeyn dad badan oo shacab ah lag dilay waxa ay ka fuliyeen deegaano duleedka iyo hareeraha Magaalada Dimishiq kuyaala.

Dad ku dhaqan Deegaanada ee Douma, Saqba, Ghouta iyo Harasta, ayaa sheegay in Diyaaradaha Dagaalka Ruushka iyo kuwa Ciidamada Siiriya ay halkaasi ku garaaceen bambaanooyin xoogan, waxaana duqeyntaasi ay dhalisay qasaaro aad u badan.

In ka badan 40-qof oo shacab ah ayna ku jiraan 14- caruur iyo haween ayaa ku dhintay duqeyntan oo dhacday saacado kahor, waxaa sidoo kale duqeynta ku dhaawacmay dad ka badan 200-qof oo iyana shacab ah.

Urur la socda xaalada dalka Siiriya una dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Duqeynta ay fuliyeen Diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo Siiriya ay ku dhinteen dad badan, duqeynta ugu qasaaraha badneed ayaa ka dhacday degmadda Ghouta oo ku taalla meel aad ugu dhaw Magaalada Dimishiq.

Goobaha la duqeeyay waxaa ku jirtay xarun waxbarasho oo lagu magcaaabo Al-Hosn Al-Basri oo kutaala Duleedka Magaalada Dimishiq, waxaana halkaasi ay waxyeelo kasoo gaartay ardaydii iyo macalimiintii ku sugneed xiligii duqentu dhaceysay.

Duqeynta ka dhacday Duleedka Magaalada Dimishiq ayaa lagu tilmaamay midii ugu cusleed ee maalmahan dhacda, waxaana loo maleenayaa in duqeynta ay jawaab u aheed Weerar ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay Magaalada Xalab ,weerarkaasi oo lagu dilay 16-qof.

Diyaaradaha duqemaha ka wada dalka Siiriya iyo kuwa Ciidamada Bishaar Al-Asad adeegsadaan ayaa marar badan waxa ay laayeen dad badan oo shacab ah, waxaana colaada dalka Siiriya sababtay dhimashada Kumanaan kun oo qof iyo barakaca malaayiin qof oo kale.