{DAAWO SAWIRADA} Faah Fahin Dheraad ah Heshiiskii Manta Lagu Gaaray B.weyne Iyo Qodobadii Lagu Heshiyay

0
401

Magaalada baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxa maanta lagu gaaray heshiiska dhismaha maamulka Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe kadib kulama isdaba joog ah oo labadii cisha aynu ka soo gudubnay ka socday degmada B.weyne waxana dhamaan kulamadaasi laga hadlayay dhismaha maamulka oo muran xoogani ka dhashay tan iyo markii ay dowlada soomaaliya bilowday dhismaha maamulkaasi.

Madaxweynaha dowlada soomaaliya xasan sheikh maxamuud oo ay wehliyaan wasiiro katirsan xukuumada iyo xildhibaano ayaa xarunta maamulka Gobolka Hiiraan heshiis kula gaaray Odayaasha dhaqanka waxgaradka iyo siyaasiyiinta hiiraan iyagoona isla afgartay in shirka lagu qabta degmada jowhar caasimada maamul Goboledkana ay noqota degmada Bullo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Qodobada sidoo kale lagu heshiiyay ayaa waxa kamid ah in la dhaqan galiyo Dekaretadii dhawaan uu soo saaray madaxweynaha dowlada xasan sheikh maxamud iyo in masuulka ugu sareya maamulka la dhisaya uu noqon dona reer Hiiraan maamulkana uu muda sagaashan cisha gdahod uu usoo waregi dona magaalada Buullo burte ee Gobolka Hiiraan.

Heshiiska Hiiraan iyo Sh dhexe (6) Heshiiska Hiiraan iyo Sh dhexe (5) Heshiiska Hiiraan iyo Sh dhexe (7) Heshiiska Hiiraan iyo Sh dhexe (4) Heshiiska Hiiraan iyo Sh dhexe (3) Heshiiska Hiiraan iyo Sh dhexe (2) Heshiiska Hiiraan iyo Sh dhexe (1)

Sawir Qaade:-Cabdi Wali Xuseen Tawakal

Radio Hiranweyn Magaalada Baledweyne