{DAAWO SAWIRADA} Heshiis Buuxo Oo Ay Manta Wadagaareen Maamulada Galmudug Iyo Puntaland

0
537

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee dhanka Maamulka Galmudug,waxaana Socdaalka Madaxweyne Gaas ku weheliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo Kulanka ka dhacay Koofurta Gaalkacyo ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu Farxo ay tahay in Magaalada Gaalkacyo oo Nabad ah la Arko.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka galmudug C/kariin Xuseen Guuleed  ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo Socdaalka Nabadeed ee Madaxweynaha Puntland uu ku soo gaaray Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali oo Kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu ka Xun yahay Colaada Gobolka ka jirta,waxaana uu Gaalkacyo u Rajeeyay in uusan dagaal kale ka dhicin.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo kulanka ka dib hadlay ayaa sheegay in Galabta la kala qaadayo Ciidamada isku hor fadhiya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

HESHIISKII GAALKACYO  (1) HESHIISKII GAALKACYO  (2) HESHIISKII GAALKACYO  (3) HESHIISKII GAALKACYO  (4) HESHIISKII GAALKACYO  (5) HESHIISKII GAALKACYO  (6) HESHIISKII GAALKACYO  (7) HESHIISKII GAALKACYO  (8) HESHIISKII GAALKACYO  (9) HESHIISKII GAALKACYO  (10) HESHIISKII GAALKACYO  (11) HESHIISKII GAALKACYO  (12) HESHIISKII GAALKACYO  (13) HESHIISKII GAALKACYO  (14) HESHIISKII GAALKACYO  (15)