{DAAWO SAWIRADA} Is rasaaseyn xoog leh oo laga maqlay magaalada San Bernardino ee dalka Maraykanka

0
419

Wararka ka imanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in qof hubeysan uu rasaas ku furay dad ku sugnaa bartamaha magaalada San Bernardino ee Koofurta California.

Ugu yaraan labaatan ruux ayaa la rumeysan yahay in ay waxyeelo ka soo gaartay rasaasta lagu furay halkaas iyadoo aysan jirin warar rasmi ah oo ka soo baxay dowlada Maraykanka oo ku saabsan arrintan.

Booliska magaalada San Bernardino ayaa sheegay in ay ka shakisan yihiin in ugu yaraan saddex ruux ay ahaayeen dadka rasaasta ku furay dad rayid ah.

Taleefishinka CNN ayaa  soo bandhigay muuqaalo dad laga daadgureynayo xarun dadka naafada ah wax loogu qabto, Wargeyska Los Angeles Times ayaa daabacay in dadka rasaasta furay ay aad u hubeysnaayeen ayna xirnaayeen jaakadaha aan xabaduhu karin.

Magaalada ay is rasaaseyntan ka dhacday ayaa ku jirta xaalad jahwareer iyo cabsi leh iyadoo dadku aysan kala aqoon meel ay gabaad ka dhigtaan, waxaana la diyaariyay goobaha caafimaadka si wax loogu qabto dadka waxyeeladu soo gaartay.

RASAAS MARAYKANK (1)

RASAAS MARAYKANK (2)

RASAAS MARAYKANK (3)