{DAAWO SAWIRADA} Kulan Lagu Tageraayo Gudomiyaha Cusub Iyo Caasimada Maamulka hiran Iyo Sh/dhaxe Oo Ka dhacay Bullo burte

0
513

Kulankan oo kadhacay xaruunta Dagmada Buullo burte ee Gobolka Hiiraan ayaa Waxa lagu tagerayay gudomiyaha Cusub ee Gobolka hiiraan Iyo caasimada Maamulka Gobolada Hiran iyo shabellaha Dhaxe Waxana  qeyb galay qeybaha bulshada maamulka dagmada iyo odayaal wax garad

Ugu horeen kulankan waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Dagmada Bullo burte Cabdi Casiis Durow  waxana  u ku dheraday ka hadalka  sida ay u qaabili karaan caasimad ahaan in ay noqoto dagmada bulla barde waxana uu siweyn u so dhaweyay gudoomiyaha  Cusub ee Gobolka hiiraan Yusuf axmed Hagar

Cismaan Geedi Duqa Dagmada Bullo burte ayaa isna ka hadlay sida ay sura gal ku tahay in caasidamada maamulka hiran iyo sh/dhaxe ay qaabilaan waxana u sheegay in labada magaalo ay tahay mid u dhaxeyso oo loga imaan karo

Duqa dagmada ayaa si doo kale so dhaweyay  Gudomiayaha Cusub ee Gobolka hiiraan waxana u shegay in u dabageed ay si wanagsan isku yaqanaan islamarkana u yahay shaqsi samata bixin kara Gobolka

Gabagabadii odayaasha kulanka ka hadlay ayaa so dhaweyay  magacaabista Gudoomiayaha Gobolka hiiraan iyo Caasimada Bullo burte logu dhawaqay  waxana Ay ku til maameen  mid Guul ah

so dhaweyn caasimada Hiran iyo shabellaha dhaxe  (1) so dhaweyn caasimada Hiran iyo shabellaha dhaxe  (2) so dhaweyn caasimada Hiran iyo shabellaha dhaxe  (3)

Wariye Cabdi Naasir Geesey

Radio Hiranweyn Bullo burte