{DAAWO SAWIRADA} Maalinta Xuquuqda Aadanaha Aduunka Oo Lagu Qabtay muqdisho

0
354

Kulan lagu xusayay maalinta Xuquuqda Aadanaha Adduunka ee sannadkan 2015 –ka, oo ay kasoo qayb-galeen qaar ka tirsan agaasimayaasha idaacadaha, suxufiyiin iyo xildhibaano baarlamaanka ka tirsan ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Maalinta xuquuqda Aadanaha Addduunka oo sanad walba laga xuso Caalamka oo dhan ayaa sannadkan hal-ku-dhig looga dhigay, ‘Xuquuqdeena, Xorriyadaheenna, Mar Walba’ ayaa sannadkan loogu talo-galay in lagu weyneyo 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii Golaha Ammaanka ee QM uu ansixiyay labada qaraar ee caalamiga ah oo kala ah; xorriyada fikirka iyo tan Ururrada.

Xaflada oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed ee SIMHA, isla markaana uu ka geystay gacan xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia UNSOM ayaa looga hadlay tacadiyada ku dhaca saxaafadda, xorriyada saxaafadda, sharciga warbaahinta iyo sidoo kale la dagaallanka xad-gudubyada.

Ugu horreyn waxaa xafladda ka hadlay Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim oo sheegay in sannadkan illaa afar weriye lagu dilay Soomaaliya, kuwaasoo saddex ka mid ah lagu dilay qaraxyo kala duwan. Iyadoo la xiray 20 weriye oo ay ugu dambeeyeen Jaamac Dabaraani oo Garowe lagu xiray iyo weriyayaashii Universal TV, C/llaahi Xersi iyo Cawil Dahir Salaad oo Muqdisho lagu xiray; halka 10-xarun oo kuwa warbaahineedna lagu xiray Soomaaliya, taasoo muujinaysa  buu yiri heerka dulqaad la’aanta warbaahinta xorta ah loo leeyahay.

Guddoomiyaha guddiga saxaafadda baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan, Cabdi Xaashi C/llaahi oo munaasabada ka hadlay ayaa xusay in sharciga saxaafadda berri la horgeyn doono baarlamaanka Somalia, ayna tahay akhrintiisii ugu dambeeysay, guddi ahaanna ay ka go’an tahay in xorriyadda saxaafadda la ixtiraamo.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabado noocan oo kale ah oo looga hadlayay xorriyadda aadanaha, iyadoo Somalia ay colaado ka jireen muddo ka badan 24-sannadood.

Maalinta Xaquuqda aadanaha.1JPG Maalinta Xaquuqda aadanaha.2JPG Maalinta Xaquuqda aadanaha.3JPG Maalinta Xaquuqda aadanaha.4JPG Maalinta Xaquuqda aadanaha.5JPG Maalinta Xaquuqda aadanaha.6JPG Maalinta Xaquuqda aadanaha