{DAAWO SAWIRADA} Maamulka Gobolka Sh/Dhexe Oo Kormeray Bukaanada Ku Jira Isbitaalka Jowhar

0
422

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe Cali C/llaahi Xuseen oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa maanta kormeeray Bukaanada ku jiran Cisbitaalka magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe.

Gudoomiye Cali Guudlaawe ayaa intuu ku guda jiray Booqashada Bukaanada wuxuu indhihiisa ku arkay Bukaano xanuuno kala duwan qaba,kuwaasi oo ay ku jiraan Carruur yar yar oo Gudoomiyaha mid mid u gacan qaaday,isagoo la qeybsanaya xanuunka haya.

Cisbitaalka magaalada Jowhar oo ah Cisbitaal si guud ugu adeega Shacabka Xanuunsan ee Gobolka ayaa hada u dhameystirneyn adeegyada Shacabka ay u baahan yihiin sida dawo tayo leh iyo waliba qalab dhameystiran sida Sariiro la seexiyo Bukaanada,waxaana gacanta ku heysa Hay’ada Intersos.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa u balan qaaday maamulka Cisbitaalka magaalada iney ilgaar ah ku eegayaan Howsha Shacabka uu u hayo Cisbitaalka,islamarkaana dadaal u geli doonaan sidii loogu heli lahaa adeegyada Cisbitaalka hada u baahan yahay.

Howsha Cisbitaalka oo sidii la rabay u socon ayaa hadana waxaa ka faa’ideysta Bukaanada xanuunada yar yar qaba,kuwaasi oo dawo lacag la’aan ah ka hela,waxayna Bukaanada ka kala yimaadaan deegaanada ku xiran magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe.

Maamulka Cisbitaalka ayaa uga mahad celiyay kormeerka Gudoomiyaha uu ku sameeyay Cisbitaalka oo u baahan in laga taageero dhinacyo badan.

Guudlaawe.1jpg Guudlaawe.2jpg Guudlaawe