{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta booqasho ku tagay degmada Diinsoor

0
339

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay, halkaasoo bilo ka hor laga saaray Xarakada Al-Shabaab.

Wafdiga Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiro ka tirsan maamulkiisa, Xildhibaano, odayaal dhaqameedyo iyo saraakiil.

Shariif Xasan ayaa la kulmay maamulka degmada, qeybaha kala duwan bulshada, haweenka, isagoo kala hadlay adkeynta ammaanka iyo xaalada bani’aadanimo ee ka jirta, waxaana uu xusay in gar gaar la gaarsiin doono.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa Tababar u soo xiri doono ciidamo dhowaan tababar uga socday degmada Diinsoor, kuwaasoo ay tababarayeen Saraakiisha Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.

Booqashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Degmada Diinsoor ayaa noqoneysa tii labaad ee uu ku tago, kadib markii bishii July ee sanadkan la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka socda Itoobiya.

shariif-xasan (1)shariif-xasan (2)shariif-xasan (3)shariif-xasan (4)shariif-xasan (5)

Muxudiin Xasan Xusni
Radio Hiranweyn Baydhabo