{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Puntland Iyo Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya Oo Kulan Ku Yeshay Muqdisho.

0
348

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa magaalada Muqdisho kula kulmey safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Baker Olgan.

Safiirka ayaa ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland safaaradda Turkiga ee Soomaaliya waxaana ay halkaasi ku wada yeesheen kulan dheer oo ay wada qaaten  Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Turkiga.

Madaxweynaha Puntland ayaa safiirka Turkiga kala hadley mashaariicda dowladiisu ka waddo Soomaaliya, waxaana uu ku aamanay sida Turkigu u garab istaagey dadka Soomaaliyeed xilli ay u baahan yihiin. Madaxweynaha Puntand ayaa la soo qaadey safiirka Turkiga mar uu booqasho ku yimid Puntland mashaariic dowladiisu u ballan qaadey in laga hirgeliyo gobolada Puntland, taas oo weli aan waxba ka fulin.

Safiir Baker Olgan ayaa sheegay in mashaariicdaas sida ugu dhakhsiyaha badan loo hirgelin doono, dhawaana uu booqan doono Puntland.

Safiirka ayaa sidoo kale marti-qaad ugu sameeyey Maal-qabeenada Puntland ay ku tagaan waddanka Turkiga si’ay xiriir ganacsi oo wanaagsan u yeeshaan ganacsatada Puntland iyo Ganacsatada Turkiga isla markaasi maal-gashiyo kala duwan ganacsatada Turkigu uga samaysan lahaayeen Gobolada Puntland, Soomaaliya.

Dalka Turkiga ayaa dhawaan lagu qaban doonaa shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya kaas oo go’aan looga gaari doono doorashada 2016 sida laga yeelayo.

Gaas Turki.1jpg Gaas Turki.3jpg Gaas Turki