{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Somalia iyo Wakiilka Mareykanka ee Somalia oo ku kulmay Muqdisho

0
404

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wakiilka dowladda Mareykanka ee arrimaha Somalia, David H. Kaeuper, iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada waddan.

Xasan Sheekh ayaa ergayga Mareykanka ee arrimaha Somalia uga war-bixiyay horumarka laga sameeyay amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada Somalia sannadihii u lasoo dhaafay.

Sidoo kale, danjire Kaeuper ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay dadaalka dib u heshiisiinta iyo wada-tashiyada siyaasadeed ee dalka ka socda, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo ku qotoma Hiigsiga Somalia ee 2016-ka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya iyo wakiilka Mareykanka ayaa isku afgartay in Somalia laga taageero dhameystirka barnaamijyada siyaasada, sida; dhaqaalaha iyo amniga si dalku u sameeyo dib u soo kabasho buuxda.

xasan iyo wakiilka mareykanka  (2)