{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Somaliland oo maanta la kulmay Guddiga Doorashooyinka iyo Hay’adaha Amniga

0
398

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kulan la qaatay maanta guddida doorashooyinka Somaliland, afarta taliye ee ciidamada, wasiirka difaaca iyo wasaaradda arrimaha gudaha, taasoo lagu macneeyey in lagu dar-dar-galinayo sidii ay u qabsoomi lahayd Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.

Kulankan madaxweynuhu la yeeshay mas’uuliyiintan ayaa la sheegay in lagu doonayo in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dalka ka qabsoonto bisha March,2017 loogu diyaar garoobi lahaa.

Qoraal uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu kula dardaarmay hay’adaha ay khuseyso arrimaha Doorashooyinku inay suurtogaliyaan sidii doorasho xalaal ahi u qabsoomi lahayd.

“In dalkeenna ay ka qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah waa mas’uuliyad saaran xukuumadda iyo hay’adaha Qaranka ee ay arrintani khusayso. Sidoo kale, Qabsoomidda doorashooyinku waa waajib iyo xil-wadareed ummadda oo dhan saaran. Haddaba si taa looga wada hadlo ayaa Madaxweynuhu wuxuu kulan la qaatay guddiga doorashooyinka Qaranka, Afarta Taliye Ciidan, Wasaaradda Difaaca iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Guddiga doorashooyinka Qaranku iyaga ayaa codsiga kulankan lahaa si ay Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale ee Qarankaba uga wada-xaajoodaan arrinta diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha”ayuu yidhi Afhayeenka madaxweynuhu.

Waxaanu intaas ku dareen “ Komishanka Doorashooyinka Qaranka (oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Komishanka C/qaadir Iimaan Warsame) waxay Madaxweynaha si toosa ugu soo ban-dhigeen inay Komishan ahaan si rasmiya uga go’antahay in la dar-dar geliyo Diiwaan-gelinta Doorashooyinka, maadaama doorashadu tahay waajib cid walba saaran. Komishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ay dhawaan ka bilaabmi doonto Gobolka Togdheer, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in dhammaanba Hay’adaha ay doorashadu khusayso ay arrintan si dhab ah uga wada hawl galaan, hadday tahay xagga nabadgelyada iyo hadday tahay xagga, abaabulka, maamulka iyo isu-dubbaridka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha”.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Madaxweynuhuna ku raacay Komishanka Doorashooyinka Qaranka talada ay soo jeediyeen, wuxxuna ku boorriyey inay sida ugu habboon ee ugu hufan ay u bilaabaan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, maadama ay doorashooyin dalka ka qabsoomi doonaan horraanta 2017-ka, hadii Illaahay yidhaahdo.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu Afarta Taliye Ciidan ku wargeliyey inay si buuxda ula shaqeeyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hay’adaha kale ee ku hawlan arrimaha Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha, gaar haana in iyaga Ciidamo Nabadgelyo ahaan uu xil gaar ahi ka saaran yahay sugitaanka amniga iyo degenaanshaha.

Dhinaca kale, danjire Nicholas Kay, danjirihii qaramada midoobay u qaabilsanaa Somalia ayaa qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay madaxweynaha Somaliland iyo madax xukumaddiisa ka tirsan.

Socdaalka danjire Nicholas Kay ku yimid magaalada Hargeysa ayaa ah mid sii sagootin ah, kadib markii dhawaan xilkaasi laga beddelay. Wuxuu ka mahad-celiyay muddadii uu soo hayay xilka, inkasta oo intii badnayd Somaliland iyo Kay xidhiidhkoodu fiicnayn, wuxuu rajeeyay in Somaliland horumar gaadho, islamarkaana doorashada soo socotaa si wacan u qabsoonto.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale sheegay inay arrimmo dhowr ah oo doorashadu ugu horayso ay kala hadleen, una sheegeen inaanay Somaliland qayb ka ahayn qorshaha Somalia ee 2016-ka.

somalilnd (1) somalilnd (2) somalilnd (3)