{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya Oo Si Quruxbadan Loogu Soo Dhaweyay Magaalada B.weyne

0
509

Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud ee soo gaaray magaalada b.weyne waxa garoonka diyaaradaha ugaas khaliif ku soo dhaweyay maamulka Gobolka Hiiraan kan degmada b/weyne saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan b.weyne.

Madaxweyne xasan sheikh safarka uu ku soo gaaray b.weyne oo ay  ku wehlinayen wasiir ka tirsan xukuumada xildhibaano iyo gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa salaan sharaf ka qaatay garoonka diyaaradaha cutubya katirsan ciidamada Dowlada.

Soo Dhaweyn kadib Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo loo soo galbiyay gudaha magaalada ayaa hoolka shirarka kula kumay boqolaal shacab ah waxana ugu horeyn la hadlay warbaahinta Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed hagar yuusuf dabageed waxana uu shegay iney lagu guulestay xalinta dagaaladii ka dhacay magaalada.

Sidoo kale madasha waxa ka hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo fadaraalka ee xukuumada soomaaliya C.raxmaan xuseen odawaa oo shegay in safarka madaxweynaha uu salka ku hayo arimaha maamul usameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo dib u heshiisinta belaha dega gobolka Hiiraan.

Intaasi kadib madaxweynaha Dowlada soomaaliya xasan sheikh maxamud oo ugu dambeyn kulanka ka hadlay ayaa shegay in bulshada reer hiiraan looga baahan yahay ka shaqeynta nabadeynta iyo dib u heshiisinta waxana uu shegay in dalka ay ka hana qaaden dhisida maamul Goboledyada maamulna loo sameyn dona Gobolada Hiiraan iyo Sh.dhexe.

Safarka madaxweynaha soomaaliya uu ku soo gaaray b.weyne ayaa noqonay safarkii shanaad tan iyo markii loo dortay xilka madaxtinimada dalka waxana lagu wada madaxweynaha in maalmaha soo socda uu sii jogi dona magaalada b.weyne.

 

Xasan Sheikh (1)dabageedso dhaweyn xsasan  (4)so dhaweyn xsasan  (3)so dhaweyn xsasan  (2)so dhaweyn xsasan  (1)so dhaweyn xsasan  (3) Xasan Sheikh (5) Xasan Sheikh (6) Xasan Sheikh (7) Xasan Sheikh (8) Xasan Sheikh (9) Xasan Sheikh (10) Xasan Sheikh (11) Xasan Sheikh (12) Xasan Sheikh (13) Xasan Sheikh (14) Xasan Sheikh (2) Xasan Sheikh (3)

SAWIR QAADE:-Cabdi Wali Xuseen Tawakal

Radio Hiiraanweyn Magaalada B.weyne.