{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Ka Qeyb Qaadanaya Olola Nadaafaded Ee Ka Socday Dalkiisa

0
389

Madaxweynaha cusub ee Dalka Tanzania John Magufuli ayaa la soo baxay tallaaabooyin aan horay looga baran Madaxda Afrikaanka ah, kadib markii dhowaan uu xafiiska la wareegay.

John Magufuli ayaa ka qeyb galay olole nadaafadeed oo boqolaal ruux ay ka wadeen wadooyinka magaalada Dar es Salam ee Caasimada Tanzania, taasoo dadka layaab ku aheyd markii ay arkeen Madaxweynaha oo gacmihiisa qashin ku qaadaya.

Mr Magufuli ayaa dadka kula soo biiray olole nadaafadeed ka socday Madaxtooyada, waxaana uu ku baaqay in dadka ay ka qeyb qaataan nadaafada, si caafimaadka u wanaagsanaado.

Madaxweynaha cusub ee Tanzania ayaa bishii horey baajiyay dabaal dega maalinta xornimada Tanzania, oo qeyb ka ah dhoolatus milateri, ruwaayado iyo xaflado, isagoo xusay in aanay habooneyn in lacago lagu qarash-gareeyo xafladahaas, bedelkii uu dalka oo dhan ka dilaacay daacuun halis ah.

tanzania.1jpg tanzania