{DAAWO SAWIRADA} Markab Laga Shakiyay Oo Lagu Qabtay Xeebta Magaalada kismaayo

0
460

Ciidamada maamulka Jubaland oo kaashanaya kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay Markab la tuhunsanyahay in uu kalluumeeysi sharci darro ah ka waday xeebaha gobolka J/hoose.

Markabkan oo madaxda dowlad goboleedka Jubaland ay sheegeen in uu ka diiwaan-gashanyahay dalka Madagascar ayaa waxaa saarnaa shaqaale gaaraya sagaal qof oo uu ku jiro Kabtanka markabka.

Madaxweeyne kuxigeenka Jubaland C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), afhayeenka maamulka C/naasir Seeraar Maax, Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga mudane Max’ed Warsame Darwiish, saraakiil iyo madax kale ayaa kormeeray dekedda Kismaayo halkaasoo la geeyay Markabka ay ciidamadu soo qabteen.

Waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka Jubaland C/naasir Seeraar Maax, isagoo sheegay in Markabkani ay kasoo qabteen meel ku dhow dekedda Kismaayo islamarkaana ay ku wadaan baaritaanno.

Madaxweeyne kuxigeenka ayaa guddi ka kooban 11 qof u saaray in ay baaritaan kusoo sameeyaan waxa uu yahay markabka iyo weliba howsha uu ka hayay xeebaha gobolka J/hoose.

Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa aalaaba ka jalaabta maraakiib shisheeye kuwaa oo dhibaato ba’an ku haya kalluumeeysatada Soomaaliyeed ee ka jalaabta xeebaha dalkeenna.

Markab 1 Markab 2 Markab 4 Markab 5 Markab 6 Markab