{DAAWO SAWIRADA} Markii Ugu Horeysay Caalamka Maroodi Lo isticmalaa Basaasnimo Ama Sirdoon

0
716

Dowlada Angola ayaa bilowday in baaritaanada haraadiga miinooyinka iyo hubka kale u adeegsato Maroodiyaal dhowr ah oo loo tababaray dhanka Sirdoonka amaba baadi goobka Hubka iyo waxyaabaha Qarxa.

Maroodigaani Sawirkiisa idiin muuqda ayaa waxaa la hordhigay caagado dhowr ah oo mid kamid ah lagu riday maadooyin laga sameeyay waxyaabaha Qarxa dhaliya si uu uga soo dhex saaro.

Maroodigaani oo adeegsanaayo Tababaradii lasiiyay ayaa ugu danbeyntii fanaxda hore ee wajigiisa dul dhigay mid kamid ah Caagadihii horyaalay oo lagu riday maadoyinka laga sameeyay Qaraxa.

Sirdoonka iyo Ciidamada Militeriga dalkaasi Angola, ayaa baadigoobka waxyaabaha Qarxa xiligaani u adeegsada Maroodiga, waxa ayna warbaahintu qortay in Maroodiga uu Boqolaal Qaraxyo soo saaray mudada kooban, kuwaasi oo ka imaaday colaadihii horay uga dhacay dalkaasi.