{DAAWO SAWIRADA} Qaabka magaalada Kismaayo maanta looga xusay sanadguurada 72-aad ee ciidanka booliska

0
370

Magalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland ayaa waxaa maanta lagu xusay sanadguradii ka soo waregatay malintii la aasaasay ciidamada Booliska somaliyeed.

Munasabadan oo lagu xusayay 72 guuradii kasoo wareegtay aasaaska Ciidamada Booliska Somaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Jubaland C/lahi Fartaag iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Booliska Kismaayo.

Goobta ayaa lagu soo bandhigay fantasiyo iyo dhoolatus ay ciidamada ka sameeynayeen fagaaraha beerta xoriyadda ee Magalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Fartaag ayaa sheegay in Jiritaanka Booliska uu ahmiyad u leeyahay jiritaanka dalka waliba, waxa uuna sheegay in maamulka uu u hambalyeeynaayo Saraakiisha iyo Ciidamada Booliska, Xaasaskooda iyo Caruurtooda.

Taliyaha Cidamada Booliska Jubaland Gaboowe Xasan Barre ayaa isna hambalyo u diray qeybaha kala duwan ee ciidamada booliska, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan, nabad, bash-bash iyo baraare.

Taliyaha ayaa Ciidamada u sheegay in isbedel ka duwan kan hadda taagan ay ku sameyn doonaan Ciidamada Booliska waxa uuna Ciidamada uu ugu hambalyeeyay guulaha mudada Kooban oo ay ka dhex shaqeynayaan Kismaayo iyo deegaanada hoostaga.