{DAAWO SAWIRADA} Qaramada Midoobay oo qorshe u dajishay Suuriya

482

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay si aqlabiyad ah u meel mariyay qaraar lagu taageerayo hannaanka nabadeed ee Suuriya.

Waa markii ugu horreysay muddo shan sana ah oo dalkaasi Suuriya uu ka socday dagaal ba’an oo golahan ay u suuragashay in uu isku raaco hannaan siyaasadeed oo la isugu dayayo in lagu dhameeyo dagaalkaasi.

Qorshahan uu taageeray Golaha Ammaanka ayaa waxa uu ku baaqayaa xabad joojin ka dhaqangasha guud ah dalka oo dhan iyo wadaxaajood siyaasadeed, kuwaasi oo looga gol leeyahay in lagu bilaabo wadahadal bisha Janaayo ee sanadka soo socda.

Waa qorshe wanaagsan oo jaangoyn u ah rajada ah in ugu yaraantii ay taageerayaasha dowladda iyo mucaaradka ay wada aqbali karaan.

asad golaha qaramada midoobay