{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaaraha Canada Oo Qaxooti Siiriya ah Kusoo Dhaweeyay Dalkiisa

0
410

Ra’isul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa dalkiisa ku soo dhaweeyay diyaaradii ugu horeysay oo siday  qaxooti u dhashay waddanka Siiriya, wuxuuna garoonka diyaaraha ee Pearson International ee magaaladda Toronto ku salaamay 163-qofood oo laga soo qaaday xeryaha qaxootiga ee dalka Lebanon.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha Canada ayaa qoysaskii soo degay gacantiisa ugu qaybiyay dharka dhaxanta, maadama lagu jiro xilligii qaboobaha, waxaana Ra’isul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada socdaalka, caafimaadka, difaaca iyo weliga duqa magaalada Toronto John Tory uu sheegay in imaanshaha qaxootiga Syria uu yahay mid biloow ah.

Dowladda uu Hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Trudeau ee Xisbiga Liberal Party ayaa ballan-qaaday inay keeni doonto ugu yaraa 25,000 oo qaxooti u dhashay dalka Siiriya ka hor bisha Feberaayo ee sannadka soo socda, waxaana dadkan intooda badan laga soo qaadi doonaa dalalka Turkey, Jordan iyo Lebanon.

Garoommada diyaaraha ee Montreal iyo Toronyo ayaa diyaarayay irdo ay kaligood kasoo dagaan diyaaradaha ay la socdaan qaxootiga iyo xarumo u gooni ah soo dhaweynta iyo maaweelada carruurta, qaybta nasashada, dharka, cunnooyinka iyo hadiyadaha kale ee ka imaanaya dadweynaha.

R/Wasaaraha Canada ayaa u mahad-celiyay shacabka Canada,isagoo yiri. “Dadkani ma hilmaami doonaan sida aad caawa u soo dhaweyseen, adinkuna ma hilmaami doontaan, waayo caawa oo kale waa habeen na khuseeya, waxaana dhammaantiin idin kaga mahad-celinayaa taageeradiinna.”

Qoxooti 1 Qoxooti